Home Wararka Maanta Dagaal Qaraar oo Dhexmaray Ciidamada Macawislayda iyo Kuwa Danab

Dagaal Qaraar oo Dhexmaray Ciidamada Macawislayda iyo Kuwa Danab

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka u tababaran iyo ciidanka deegaanka uu ka dhacay degmada Ceel-baraf ee gobolkaasi, kaas oo ay kasoo baxayaan warar kala duwan.

Ilo wareeydo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in ciidamada Danab oo ka baxay Jowhar, kuna sii jeeday dhanka Hiiraan ay isku dhaceen maleeshiyaadka deegaanka ee ku sugan degmadaas, waxaana labada dhinac dhex-maray iska hor imaad toos ah.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka degmada Ceel-baraf Abuukar Axmed Cabdulle oo la hadlay Idaacadsa Kulmiye ayaa ka warbixiyay dagaalkaasi, wuxuuna eedeyn u jeediyay ciidanka Danab.

Abuukar ayaa sheegay in ciidamo watay gawaari shacab, afkana u duuban yahay ay soo galeen gudaha magaalada, kadibna ay dhibaato xoogan ka gaysteen, sida uu hadalka u dhigay.

“Degmada Ceel-baraf waxaa ka dhacday dhacdo xanuun badan xalay maqribkii ciidan hubeysan oo ku labisan dareeska ciidanka oo wata gaadiid shacab oo gafuurada u duuban yihiin ayaa meesha waxa ay ka sameeyeen fowdo iyo qalqal-gelim amni” ayuu yiri Abuukar Axmed Cabdulle.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada ay isku dayeen inay qoryaha ka furtaan dhalinyaro deegaanka ah oo ku jira Macawiisleyda, balse ay iska difaacee.

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay inay argagixin ku sameeyeen shacabka degmada, inta ay ku sugnaayeen gudaha Ceel-baraf oo kamid ah magaalooyinkii laga xoreeyay Al-Shabaab.

“Meesha dhibaato ayaa ka dhacday oo israaseyn ayaa ka dhacday argagixin ayay shacabka u gaysteen illaa iyo hadda habtooda iyo meesha ay ka yimaadeen cid garaneyso ma jirto” ayuu sii raaciyay guddoomiyuhu.

Ad
Previous articleMadaxweyne Erdogan oo maanta kusii jeeda dalka Iran
Next articleNin Soomaali ah oo Lagu Weeraray Gaari iyo Booliska Oo Soo Faragaliyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here