Home Wararka Somaliya Somaliland Dagaal Maalintii Sadexaad Kasocda Laasacaanood iyo Soomaaliland oo War Cusub Soo saartay

Dagaal Maalintii Sadexaad Kasocda Laasacaanood iyo Soomaaliland oo War Cusub Soo saartay

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa xaqiijisay wararka ku saabsan in dagaalka Laas Caanood uu galay maalintii saddexaad.

War qoraal ah oo lasoo dhigay bogga Facebook ee wasaaraddan ayaa lagu sheegay in “kooxo xagjir ah ay saaka weerar ku qaadeen ciidamada Somaliland oo ku sugan fariisimahooda.”

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca kale ee ku lugta leh dagaalka. Sidoo kale faahfaahin buuxda lagama hayo khasaraha jira.

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo Amarro cusub dul dhigtay Imaamyada Masaajida iyo Shacabka
Next articleDuqa magaalada Laasacaanood oo Ka Hadalay Dagaalka Maalintii Sadexaad ka Socda Laasacaanood