Home Wararka Somaliya Jubbaland Dagaal Laisku Riiqmay oo Maantay Dhexmaray Ciidamada Dowlada iyo Alshabaab

Dagaal Laisku Riiqmay oo Maantay Dhexmaray Ciidamada Dowlada iyo Alshabaab

0

Warbaahinta Maamulka Jubbaland ayaa baahisay in maleeshiyaad ka badan 70 xubnood Al-Shabaab looga dilay dagaal culus oo maanta ka dhacay gobolka Jubada Hoose.

Ciidamada Jubbaland iyo Guutada 16-aad ee kumaandooska Danab ayaa galay godad waaweyn oo gabaad u ahaa kooxda Al-Shabaab, halkaasna waxaa lamsheegay inuu ka dhacay dagaal aad u qaraar oo looga guuleystay kooxda.

Deegaanka uu dagaalkaasi ka dhacay ee Shabaab lagu weeraray waxaa lagu magacaabaa Aboodin, wuxuuna ka tirsan yahay gobolka Jubada Hoose.

“70 tiro kor u dhaafeysa oo isugu jira maleeshiyaad iyo horjoogayaal ayaa looga dilay Khawaarijta dagaalkaas oo ahaa mid toos ah iyo duqeymo xaga cirka ah oo ay fulinayeen diyaaradaha saxiibada Soomaaliya ka caawiya la dagaalanka argagaxisada,” ayaa lagu yiri war uu baahiyey TV-ga Jubbaland.

Dadka deegaanka Aboodin ayaa noo xaqiijiyey in kooxda Al-Shabaab ay ka baxeen halka uu dagaalka ka dhacay, iyaga oo wata meydad tiro badan iyo dhaawacyo.

Sidoo kale warbaahinta Jubbaland waxay baahisay qeyb ka mid ah muuqaal laga duubay dagaalka lagu dilay xubnahaas Shabaabka ah oo toos u socda, ciidamada Danab ayaa laga duubay muuqaalkaas, waxaana la arkayaa iyagoo toos u dagaalamaya.

Maalmahaan Shabaab-ka dagaalamaya Jubbaland waxaa ku socda howlgallo culus, habeen hore galbeedka Kismaayo howlgallo ka dhacay waxaa lagu laayey horjooge sare iyo maleeshiyaadkiisii, kuwaas oo halkaas lagu soo afjaray, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka ciidamada Jubaland.

Sidoo kale duqeymo culus ayaa ka dhacay magaalooyin ay ku jirto Jilib, waxaana lagu beegsaday xubno sare oo Shabaab ah oo uu ku jiro sarkaal lagu magacaabi jiray Daa’uud Khaliif, kaas oo horay Mareykanku uu madaxiisa u dul dhigay 10 milyan oo dollar.

Sida ay noo sheegeen saraakiisha ciidamada, deegaanada Jubbaland waxaa toos uga bilowday wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaas oo dowladda Soomaaliya ay qorsheysay in Jubaland iyo K/Galbeed uu ka bilowdo markii Galmudug iyo HirShabeelle lagu soo xoreeyo wajiga koowaad.
Ad
Previous articleSida loo hareereeyey Markab burcad baddeed ku haysato xeebaha Puntland
Next articleDuqaymo Culus oo xalay Alshabaab loogu gaystay Koonfurta Mudug iyo Caad oo….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here