Home Wararka Maanta Dagaal laisku riiqmay oo Dhexmaray alshabaab iyo Ciidamada Dowlada

Dagaal laisku riiqmay oo Dhexmaray alshabaab iyo Ciidamada Dowlada

0

Ugu yaraan 11 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedka Jubaland ayaa lagu dilay dagaal qaraar oo Arbacadii ka dhacay koonfurta dalka, sida ay xog cusub sheegtay.

Dagaalka ayaa ka dhacay agagaarka deegaanka Wayaanta oo qiyaastii 60-KM dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland, kadib markii ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen goob la tuhunsan yahay inay isku uruursanayeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Saddex sarkaal oo si toos ah wax uga ogaa dagaalkaas, oo codsaday inaan magacyadooda la aqoonsan, sababtoo ah in loo diiday inay la hadlaan warbaahinta ayaa VOA u sheegay in 11 askari oo ka tirsan ciidamada gobolka iyo kuwa dawladda lagaga dilay dagaalka, in ka badan 20 kalena ay ku dhaawacmeen.

Mid ka mid ah saraakiisha ayaa sheegay in in ka badan 20 ka Al-Shabaab ah ay sidoo kale ku dileen iska horimaadka.

Howlgal ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen sanadkii hore isla deegaanka ayaa lagu dilay horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo la sheegay in uu ahaa Amiir ku xigeenkii deegaankaasi, sida ay sheegeen saraakiisha gobolka.

Intii uu socday howlgalkii sanadkii hore, ciidamada Mareykanka ayaa duqeyn “is-difaac wadareed” ah ka fuliyay deegaanka Wayaanta oo ay ku dileen saddex dagaalyahan.

Dagaalka ayaa imanaya ayada oo gebi ahaan uu qaboobay dagaalkii xoogga badnaa ee dowladda ay ku qaaday maleeshiyada laba sano ka hor.

Kadib markii uu xafiiska la wareegay madaxweynaha Soomaaliya bishii May 2022, dagaalyahanno iskood isu abaabulay oo taageero ka helaya ciidamada federaalka ayaa al-Shabaab ka saaray deegaano badan oo ka tirsan gobollada dhexe.

Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa Axaddii lasoo dhaafay sheegtay in illaa 27 ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgal socday 12-saacadood oo ka dhacay agagaarka deegaanka Yaaqle oo qiyaastii 50-KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho, kana tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

War qoraal ah oo ay hay’addu soo saartay ayay ku sheegtay in howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan uu dhacay xilli ay maleeshiyada isku diyaarinayeen dhibaateynta shacabka. Baabuur iyo qalab kale ayaa sidoo kale la burburiyay intii uu socday howlgalka “guuleystay”, ayaa lagu yiri bayaanka.

Maalintii sirdoonka Soomaaliya ay sheegeen howlgalka, laba askari oo ka tirsan Midowga Afrika ayaa lagu dilay, mid saddexaadna waa lagu dhaawacay weerar madaafiic ah oo Al-Shabaab ay Axaddii ku qaadeen xayndaabka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleAabbaha dhalay gabadhii meydkeeda oo jarjaran laga helay Nairobi oo hadlay
Next articleBaltasar Ebang Engonga ninka ugu Hadal haynta Badan Caalamka Maantay Muxuu Sameeyey?