Home Wararka Somaliya Galmudug Dagaal ka Socda Deegaanka Xananbuure ee Duleedka Dhuusamareeb

Dagaal ka Socda Deegaanka Xananbuure ee Duleedka Dhuusamareeb

0

Xananbuure rasaas teel teel ah ayaa laga maqlayaa gudaha iyo banaanka magaaladda  taasi oo ay is waydaarsanayaan laba maleeshiya beelood oo degaankaasi xananbuure 24 kii saac lasoo dhaafa isku hor fadhiyay.

inta la xaqiijiyay rasaastaasi waxaa ku dhaawacmay hal qof oo shacab ah waxaana dad goob joogayaan ah oo aan la xariiray ay sheegayaan in rasaastu ay sii xoogaysanayso Daqiiqadba Daqiida Kadanbaysa.

Labada Beelood ee Halkaas ku Dagaalamaaya ayaa Kasoo Kala jeeda Dhuusamareeb iyo Cadaado kuwaas oo Marar badan Dagaal Qaraar Halkaas ku dhexmaray.

Maamulka Galmudug yaana welli wax war ah kasoo Saarin Dagaalkaan oo Goordhow abilowday Dagaalkaan ayaana Salka ku haaya Ceelbiyood ay Doonaayeen Beesha Saleebaan inay Ka Qotaan Dhanka Ay Ka dagaan Magaalada Xananbuure Bakse Beesha Cayr ayaa Ka Biya Diiday in Ceel kale laga Qodo agaas Madaama Lacabo Ceel ku Yaal Dhanka Beesha cayr.

 

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo weerar Culus ku Qaaday goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab
Next articleDhakhaatiirta isbitaalka Al-Quddus oo diiday in ay isaga baxaan isbitaalka kadib digniinta Israa’iil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here