Home Wararka Maanta Dagaal ka dhacay Suuqa Bakaaraha ayaa lagu dilay Ganacsade Caan ah.

Dagaal ka dhacay Suuqa Bakaaraha ayaa lagu dilay Ganacsade Caan ah.

0

Israsaaseyn muddo kooban socotay oo ku dhexmartay gudaha Suuqa weyn ee Bakaraaha ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kooxo hubeysan oo la sheegay iney dhac u geysanayeen dadka shacabka ah ayaa waxaa ku dhintay mid ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed.

Ganacsadaha ku dhintay rasaasta ay is weedaarsanayeen labada dhinac ayaa lagu magacaabi jiray Cabdulle Cawaale Fiidow oo ku magac dheeraa Sandheere, kaasoo si weyn looga garanaayay inta badan gobolada dalka Soomaaliya.

Marxuum Cabdulle Cawaale Fiidoow ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray rasaasta ay is weedaarsanayeen ciidamada dowlada iyo burcada hubeysneyd ee is rasaaseynta ku dhexmartay gudaha Suuqa Bakaaraha.

Iska hor imaadyada noocaan oo kale ah ee dhexmara ciidamada dowladda iyo buracada hubeysan ayaa inta badan ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho, waxaana ku geeriyooda rasaasta ay isku adeegsadaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Ad
Previous articleQaramada Midoobey oo shaacisay in dad ka badan 100,000 oo qof ay ku Barakaceen colaada Gurceel
Next articleWararka Ugu Danbeeyay Ciidanka Galmudug iyo Dowlada oo Gudaha u Galay Magaalada Guriceel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here