Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Dagaal Culus oo Waqti Badan Qaatay Diyaaradana Ka Qayb galeen oo Ka...

Dagaal Culus oo Waqti Badan Qaatay Diyaaradana Ka Qayb galeen oo Ka Dhacay Hiiraan

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaallo iyo duqeymo xoogan oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo geystay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba.

Dagaalladan ayaa soo billowday subaxnimadii Arbacada, waxayna soo gaareen illaa xalay, wuxuuna dagaalka xoogiisa uu ka dhacay deegaanka Inji oo ku yaalla xadka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka marka uu xoogeystay ay ku biireen diyaaradaha dagaalka, kuwaas oo duqeeyaga aagaga ay ka dagaalamayeen xubnaha Al-Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in diyaaraduhu duqeeyeen goobo kale bartimaameed ah oo ku yaalla deegaanka Fiidow oo u dhow aagga lagu dagaalamay.

Dhanka kale ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa dib ua wareegay deegaanka Afcad oo shalay gudaha u galeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo kasoo talaabay dhanka wabiga, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal qaraar oo lagu jabiyay Al-Shabaab, sida uu shaaca ka qaaday guddoomiyaha maamulka degmada Buulo-burde.

Khasaaraha ka dhashay dagaalladan iyo duqeymaha oo weli ka socdo Hiiraan ayaa sii kordhaya, waxaana jira askar dhaawacyo ah oo lasoo gaarsiiyay magaalada Muqdisho.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaaas weli ka socda duleedka degmada Jalalaqsi.

Hiiraan ayaa kamid ah gobollada uu haatan ka socdo howlgalka dib xoreynta, waana gobolkii ugu horreeyay ee uu ka billowday kacdoonka looga soo horjeedo Al-Shabaab.b

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleAlshabaab oo Suuqa Bakaaraha Ka Wada Dhaqaale Aruuris Xoogan
Next articleWar la yaab leh oo kasoo kordhay gabadhii laga badbaadiyay dhul gariirka iyadoo ay ku dhaggan tahay xuddunta hooyadeed