Dagaal geystay khasaaro kala duwan ayaa Maanta waxaa uu laba maleeshiyo beeleed uu ku dhexmaray deegaano u dhaxeeyo laanwaalay iyo Degmada Saaxo ee Gobalka Mudug.
Labada maleeshiyo Beeleed ayaa isku heysta dhul kuyaalla halka lau dagaalamayo, waxaana inta la xaqiijiyay dagaalka Maanta ku dhintay in ka badan Saddex ruux 4 kalena ay ku dhaawacmeen.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in labada dhinac dagaalkooda uu ahaa mid aad u xoogan, balse si iskiis ah uu u istaagay wallow dhinacyadii dagaalamay ay weli ishor-fadhiyaan.
Wararka kale ee Risaala heleyso ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadaha soo socda degaannada lagu dagaalamayo ay gaari doonaan Ciidamo katirsan kuwa Maamulka Puntland si ay u kala dhex galaan.
Dhowr jeer ayaa degaano katirsan Gobolka Mudug waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed, waxaana Madaxda Maamulada Galmudug & Puntland ee Gobolka Mudug ay ku guuleysteen inay xaliyaan.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay