Home Wararka Maanta Dagaal Aad U Culus oo maalmo Gurmad Laisku Aruursanaayay oo Saakay Markale...

Dagaal Aad U Culus oo maalmo Gurmad Laisku Aruursanaayay oo Saakay Markale ka Dhex Qarxay Beelaha Sacad iyo Laylkase

0

Wararka Saakay aan ka Helayno ayaa Sheegaaya ina Saakay Dagaal Ka Culus kuwìi Hore oo Sakay ka Qarxay Deegaanka Lamada Maygaag ee Gobalka Mudug.

Dagaalkaan ayaana Markale Saakay Dhexmaraaya Beelaha Sacad iyo Laylkase oo Maalmo ka Hor iska Dilay Dad kabada 30 Qof.

Diryanka hubka leysku adeeg sanayo ayaa lagamaqlayaa magaalada Gaalkacyo Deegaanka Lagu Dagaalamaayo ayaana Gaalkacyo Ujira Inkabadan 54km Balse Hubka Laisku Adeegsanaayo oo aad U culus ayaa Keenaaya In laga Maqlo Meelo aad U fogdog.

Maayarada Magaalada Gaalkacyo Ee Galmudug iyo Puntland oo Shalay Tagay Furimaha Laisku Hor Fadhiyo Ayaa Ku Fashilmay inay Kala qadaan Labada Ciidan.

Dagaalkaan ayaana Saakay Waxaa Qaaday Beesha Sacad oo Ka Caraysan Ceelbiyood Beesha LaylkSe ka Dhisayaan Aaga Lagu Dagalaamayo.

Labada Beelood ayaana kala Helay Gurmadyo Xoogan oo ka kala Yimid Galmudug iyo Puntland kuwaas oo Saakay Dhiig Cusub Ku Shubay Dagaalka.

Khasaara Ba,an ayaana Laga Yaabo Inuu Ka Dhasho Dagaalkaan Madaama Hub Culus laisku adeegsanaayo.

Ad
Previous articleMaxaa Ku Dhacay Balankii Ahaa in Itoobiya Heshiis Aqoonsiga Soomaaliland Maantay Saxiixdo?
Next articleAbiya Axmed Oo Beeniyay inay ka Laabteen Aqoonsigii Soomaaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here