Home Wararka Maanta Dadka Ku Geeriyioday Qaraxyadii Zoobe oo 100 kor u Dhaafay

Dadka Ku Geeriyioday Qaraxyadii Zoobe oo 100 kor u Dhaafay

0

Waxaa soo baxaya warar hordhac ah oo ku saabsan khasaaraha nafeed ee ka dhashay qaraxyadii maanta ka dhacay nawaaxiga isgoyska Zoope ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa lagu weeraray xarunta Wasaarada Waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare oo ku taalla agagaarka laami yaraha Soobe.

Meydadka dad ka badan 100 qof iyo dhaawaca tiro intaas ka badan ayaa la gaarsiiyey galabta illaa caawa isbitaalada iyo goobaha kale ee Caafimaadka magaalada Muqdisho sida ay allbanaadir Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan.

Isbitaalka Madiina oo kaliya ayaa waxaa la xaqiijiyay in la geeyay meydadka 75 qof, waxaa la sheegayaa Isbitaalo kale inay yaallaan meydad kale, inkastoo aan tiradooda la shaacin.

Khasaaraha labadii qarax ee maanta ka dhacay Isgoyska Zoobe ayaa isa soo tarayaa, iyagoo ka badan sida markii hore la qiyaasayey, Waxaana jira dad eheladooda la’ oo ka baadigoobaya Isbitaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, saraakiisha Caafimaadka isbitaalada ayaa shacabka ka dalbanaya iney yimaadaan goobaha Caafimaadka si ay dhiig ugu deeqaan dadka dhaawaca ah ee galabta ilaa caawa la geeyey, kuwaasoo qaarkood xaaladoodu aad u liidato.

Qaar ka mid ah dhaawacyada la geeyey ayaa la sheegay inuu horey uu dhiig bax ugu dhacay, ayna adag tahay in qaliimo lagu sameeyo iyagoo aan dhiig lagu shubin si naftooda loo badbaadiyo, xaalad cakiran oo murugo badan ayaana caawa kaa jirta isbitaalada la geeyey dhaawacyada.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiilkh oo Booqday Qarixii Shalay lagu baabiyay Zoobe(Soobe)
Next articleAlshabaab oo uga Danbayn Gacantooda laga Saaray Deegaanka Masaajidka Caligaduud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here