Home Wararka Maanta Dadka Diidan Hab Doorashada Xasan Shiikh Wax u Wado oo Sii kordhay

Dadka Diidan Hab Doorashada Xasan Shiikh Wax u Wado oo Sii kordhay

0

Dhanka madaxweyne Xasan Sheekh weli mowduuc weyn ayay ka tahay in la beddelo hanaanka madaxtinimada dalka, iyada oo la baabi’inayo kursiga ra’iisul wasaaraha, halka loo guurayo madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen.

Balse diidmada arrintaan la xiriirta ayaa gaartay dhinac walba oo kamid ah daneyayaasha siyaasadeed ee Soomaaliya. Kooxaha diidan arrintaan waxay iskugu jiraan xilal sugayaal iyo xubno ka tirsan dowladda hadda jirta.

Sababta ugu weyn ee loo diidan yahay waa cidda awoodda u leh inay sameyso isbeddelka heerkaas ah iyo inay abuureyso kala shaki bulsho ama uu dheelinayo hanaanka awood qeybsiga beelaha.

Hoggaamiyaha ay bilaha u harsan yihiin ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa isna ku biiray siyaasiyiinta sida weyn u diidan in la beddelo hanaanka madaxtinimada dalka.

Wuxuu ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka leexday dastuurkii lagu heshiiyay. Deni waxa uu sheegay in Golaha Wadatashiga Qaran uusan aheyn Golle Dastuuri ah, awoodna uusan u laheyn gaarista go’aamo illaa heerkaas ah.

Wuxuu intaas ku daray inay jirto halis aan indhaha laga qabsan karin oo la xiriirta go’aamada joogtada ah ee ka imaanaya Golaha Wadatashiga Qaran, taas oo halis ku ah midnimada dalka iyo dowladnimada nugul ee Soomaaliya, waa sida uu hadalka u yiri Saciid Cabdullaahi Deni.

Ma cadda inay dowladda federaalka ay ka joogsan doonto arrintan dhalisay diidmada badan, xilli ay dhinaca kale jiraan warar sheegaya inuu socdo abaabul baarlamaanka lagu horgeynaayo heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee soo baxay 27-kii May 2023.

Ad
Previous articleAbiya Axmed oo Markii ugu Horaysay Ka Hadlay Hadalkii Dhawaan kasoo yeeray ee Soomaalida ka Caraysiiyay
Next articleMaamulka Puntland oo shuruud horleh ku xirtay mashaariicda laga fuliyo deeganadeeda ee kaga imanaysa Dowlada Federaalka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here