Home Wararka Maanta Dadaalo Xabsiga Looga Sii Daynaayo Mukhtaar Roboow oo Muqdisha Kasocda iyo Laftagareen...

Dadaalo Xabsiga Looga Sii Daynaayo Mukhtaar Roboow oo Muqdisha Kasocda iyo Laftagareen oo….

0

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda dedaalo ay wadaan siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, kuwaa oo doonaya in ay xabsiga kasoo saaraan Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Xabsi ay maamusho Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya oo kuyaalla maagaalada Muqdisho waxaa muddo saddex sanno ka badan ku xiran Sheekh Mukhtaar Rooblw Cali Abuu Mansuur oo horey uga soo goostay Al Shabaab isuguna dhiibay dowladda.

Abuu Mansuur ayaa u xirnaa arrimo siyaasadeed iyo in uu damcay in uu madaxweyne ka noqdo maamulka Koonfur Galbeed, waxaana magaalada Baydhabo kasoo xiray isaga oo musharax ciidamada Itoobiya ee halkaasi joogay.

Tan iyo markii uu meesha ka baxay Madaxweyne Farmaajo lana doortay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa bilowday dadaalo la doonayo in xabdsiga looga soo saaro Abuu Mansuur, waxaana hada rejo weyn laga qabaa in Abuu Mansuur xabsiga laga soo saaro.

Siyaasiyiin aad ugu dhaw Sheekh Roobow ayaa Jimcihii ku booqday goobta uu ku xiran yahay waxa ayna siyaasiyiintan ugu laab qaboojiyeen Abuu Mansuur in dalka isbadal ka dhacay uuna dhawwaan xabsiga kasoo bixi doono.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey ugu dhaliilay dowladda Farmaajo xariga sharci darada ah ay u geesatay Abuu Mansuur, waxaana laga filayaa Xasan Sheekh in uu qaado tallaabo xabsiga looga saarayo Abuu Mansuur.

Cabdicasiis Laftagareen Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaan dhankiisa ku faraxsaneyn dedaalada socda ee xabsiga looga soo saarayo Abuu Mansuur, waxa uuna Laftagareen halis u arkaa in Sheekh Mukhtaar lasoo daayo kuna laabto Baydhabo.

Abuu Mansuur ayaa taageerayaal badan ku leh gudaha deegaanada Koonfur Galbeed,waxaana suurto gal ah in marka la daayo ku laabto Koonfur Galbeed halkaasna ka bilaabo olole siyaasadeed oo ka dhan ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Rejada soo laabashada Madaxweynaha waqtigiisa dhamnmaadka ku dhaw yahay ee Laftagareen ayaa aad u yaraatay markii uu meesha ka baxday Madaxweyne Farmaajo uu si weyn u taageeray uguna soo saaray Xildhibanao badan.

Dowlada Somaliya oo ku Dhawaaqday Xiliga la Qabanayo doorashada goleyaasha degaanka

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Abdikarim Ahmed Hassan, G/ kuxigeenka Saadiq Abshir Garaad iyo qaar ka mid ah Xubnaha guddiga ayaa si wada jir ah u

Dagaal ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish ku dhexmaray Togga Miiraale oo Warar laga helayo

Dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish oo ka dhacay aagga Togga Miiraale ee buuraha Calmiskaad, ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah. Inta la

Madaxweyne Xasan Shiikh oo maanta gaaray Furuumaha hore ee Dagaalka:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan Degmada Aadan Yabaal oo uu ka hoggaaminayo hawlgallada xoreynta deegaannada

Sarkaal Dhawaan kasoo goostay Kooxda Daacish oo isoo Meyd ah la helay

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari , ayaa sheegaya in uu geeriyooday Cabdiraxmaan Shirwac Aw Siciid (Laahoor) oo horey uga tirsanaa saraakiisha sar sare ee kooxda Daacish,

Turkiga oo Muqdisho Keenay Diyaaradaha Bayraktar Akıncı ee Dron-ka ah

Sida aan xogta ku heleyno dowladda Turkiga ayaa magaalada Muqdisho maanta keentay labo diyaaradood oo nuuca dagaalka ah, kuwaa oo loogu tala galay in ciidanka xoogga dalka  Soomaaliya ka caawinayaan
Ad
Previous articleSamiira Naasir: Gabadha caawa qabsatay baraha bulshada Soomaalida iyo falcelin ka Dhalatay(Sawiro)
Next articleHay’ada Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch oo Kadigtay Ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya Lagu Soo Celinaayo