Home Wararka Maanta Dad Soomaali ah oo lagu laayay deegaanka Canfarta

Dad Soomaali ah oo lagu laayay deegaanka Canfarta

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay maanta maleeshiyaad ka tirsan Canfarta ku laayeen dad Soomaali ah oo safar kusii ahaa magaalada Awash oo ka tirsan isla dowlad deegaanka Canfarta.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dadka laayay oo ganacsato ay ku jiraan lagala dagay gaari ay la socdeen, kadibna loo gaystay dil iyo dhaawac.

Dadka la laayay ayaa waxaa kamid ah Khadar Cilmi Cige iyo Mowliid Maxamed Cabdi, halka la dhaawacay Ismaaciil Muxumed Muuse, Siciid Muxumed Muuse iyo Cali Xuseen Jaamac.

Sidoo kale waxaa jira dad kale oo ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaas oo aan heli xogtooda iyo magacyadooda la helin, maadaama xaaladda meesha ay wax ka dhaceen la tagi karin.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in weerarkan si gaar ah loogu beegsaday Soomaalida, isla-markaana iyaga kaliya lagala dagay gaariga, iyada oo dadkii kalena la fasaxay.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo ku aadan falkaasi lagu beegsaday dadka shacabka ee Soomaaliyeed, waxaase soconayo dadaallo ay wadaan mas’uuliyiinta deegaanka.

Horay ayaa waxaa u jiray digniino loo jeediyay Soomaalida oo ku aadan in aysan ku safrin waddadaas, marka ay aadayaan magaalada Addis Aababa, waxaana beddalkood loo soo jeediyay inay adeegsadaan diyaarad, inta ay jirto xaaladda adag ee ka taagan halkaasi.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo muddooyinkii u dambeeyay ay kasii dareysay colaadda u dhexeysa Soomaalida iyo Canfarta oo horay u wada dagaalamay.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Wacad Ku Martay In Maxkamad Lasoo Taagi Doono Kuwii Fududeeyey Weerarkii Xabsiga dhexe
Next articleFBIda Maraykanka oo shaacisay ninkii Toogtay TRUMP Halka uu ka yimid iyo waxa uu ahaa