Home Wararka Maanta Dad Oromo ah oo xalay lagu laayay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo

Dad Oromo ah oo xalay lagu laayay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo

0

Inta la xqiijiyay 6 qof oo ka soo jeeda qowmiyada Oromada ee dalka Itoobiya iyo qof Soomaali ah ayaa xalay lagu dilay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Dhakhtar ka tirsan isbitaalka degmada Beledxaawo oo diiday in magaciisa la xigto ayaa BBC-da u sheegay in 6 qof oo oromo ah maydkooda la keenay isbitaalka, halka 6 kalena iyagoo dhaawac ah la dhigay isbitaalka.

Dad ku sugan Beledxaawo ayaa BBC-da u sheegay in rag hubeysan ay xalay galeen guri ay daganaayeen dadka oromada ah halkaasna ay ku dileen 6 qof oo oromo ah oo 3 kamid ah ay ahaayeen rag halka 3 kale ay ahaayeen dumar. Waxa kale oo la xaqiijiyay in qof dumara oo Soomaali ah iyana halkaas lagu dilay.

Gudoomiyaha degmada Beledxaawo Cabdirashiid Caroog oo BBC-du wax ka waydiisay dilka ka dhacay degmadiisa ayuu sheegay in warkaasi jiro, laakiin uusan hadda sheegi karin tiradu inta ay la egtahay, wuxuu kaloo intaa raaciyay in ay ku jiraan hawgal lagu baadi goobayo ciddii ka dambeysay.

Faahfaahin dheerada lagama hayo cidda ka dambeysay dilka, mana jirto cid sheegatay illaa hadda.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleLa-taliyihii Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed Gedu oo Baxsaday
Next articleWar Deg Deg Ah: Ciidamada Nabadsugida Galmudug oo Gacanta Kusoo Dhigay Gacan ku Dhiiglihii Dilay Luul Cabdicasiis