In ka badan shan boqol oo muhaajiriin sharci darro ah ayaa la xiray, kuwaas oo diyaar u ah in laga musaafuriyo Mareykanka – waa tallaabadii ugu horreysay ee ballan-qaadkii madaxweyne Trump ee ka dhanka ah muhaajiriinta aan sharciga haysan.
Xoghayihiisa warfaafinta ayaa sheegtay goor dambe oo Khamiistii ahayd in shan boqol iyo soddon iyo siddeed qof, oo lagu tilmaamay inay ahaayeen dambiilayaal soo galooti sharci darro ah, la xiray.
Karoline Leavitt ayaa sheegtay in ay ku jiraan xubno ka tirsan koox burcad ah oo u dhashay dalka Venezuela, iyo dad lagu helay dambiyo galmo. Madaxweyne Trump ayaa xaalad deg deg ah kaga dhawaaqay xadka Mareykanka iyo Mexico, wuxuuna amray in kun iyo shan boqol oo askari oo dheeri ah la geeyo halkaasi.
Ad