Home Wararka Maanta Dad ka caraysan Muddo Kororsiga Farmaajo oo caawa Banaanbax xoogan ka dhigay...

Dad ka caraysan Muddo Kororsiga Farmaajo oo caawa Banaanbax xoogan ka dhigay Muqdisho

0

Banaanbaxyo looga horjeedo muddo kororsiga Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa ka dhacay aaga Mirinaayada ee degmada Cabdicasiis isagoo ku fidey qeybo ka mid ah degmooyinka Kaaraan, Shibis iyo yaaqshiid.

Banaanbaxa oo bilowday afurkii kadib ayaa socday muddo saacada ah waxana dadka dibed-baxaya ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku cabirayaan shacuurtooda ku aadan diidmada muddo kororsiga Farmaajo.

Waxaa dadweynaha dibada baxaya socod ka soo bilaabeen Isgoyska Mirinaayada, iyagoo sii maray Isgoyska Sanca, Jardiinka illaa Siinaay.

“Farmaajo ha dhaco, mudo kororsi dooni meyno, Farmaajo dooni meyno Kaligi-taliye dooni meyno” ayaa ka mid ah erayadii ay ku dhawaaqayeen dadka banaanaxa dhigayay waxana ay wateen boorar iyo sawiro.

Magaalada Mogadishu oo weli ay ka jirto cabsi la xiriirta in dagaal uu markale ka qarxo iyadoo dad badana ay ka barakaceen magaalada.

 

Ad
Previous articleGurceel oo caawa Roobab xoogan ay ka Hooreen (Sawiro)
Next articleMaxaad ka taqaanaa Saraakiisha Hogaaminaysa Ciidamadda Dowladda ka soo Horjeeda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here