Home Wararka Somaliya DAAWO TOOS: Go’aanka Maxkamada ICJ ee dacwada badda ee Somalia iyo Kenya

DAAWO TOOS: Go’aanka Maxkamada ICJ ee dacwada badda ee Somalia iyo Kenya

0

Waxaa hadda Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ka bilowday go’aan ka gaarista dacwadda badda Kenya iyo Soomaaliya.

Garsoorayaasha ayaa hadda hadlaya iyadoo laga war sugayo inay soo saaraan go’aanka kama dambeysta ee ku saabsan muranka badda.

Koox garyaqaano ah oo ka kooban 15 xubood oo ay hoggaaminayso Joan Donoghue oo ah madaxweynaha maxkamadda ICJ ayaa si rasmi ah waxay u soo gudbin doonaan xukunka maxkamadda dunida ugu sarreysa, saacadda Geeska Afrika marka ay tahay 4-ta galabnimo.

Go’aanka maxkamadda ICJ ayaa laga yaabaa inuu saameyn ku yeesho xiriirka labada dal iyo waliba dhulka la isku hayo oo ah dhul hodon ku ah shidaal, kaasi oo cabbirkiisku gaarayo 160,000 oo kilomitar, oo ah saddex geesood isku-wareeg ah oo ku yaalla Badweynta Hindiya.

Kenya ayaa horeyba u caddeysay in aanay aqbali doonin go’aanka maxkamadda ICJ iyadoo ku eedeysay maxakamadda inaysan dhexdhexaad ka ahyn dacwada kala dhaxeysa Soomaaliya, balse maxkamadda ayaa u muuqata inuusan saameyn ku yeelan mowqifka Kenya iyadoo ku dhawaaqaysa go’aanka maanta oo Talaado ah.

HOOS KA DAAWO LIVE

 

Ad
Previous articleTaariikhda Maalinta Calanka Soomaaliya
Next articleWar Deg Deg Ah: Maxkamada ICJ oo ku dhawaaqay go’anka Cida iska leh Badda u Dhaxeysa Somaliya iyo Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here