Home Wararka Maanta Cumaraani Maxamed Malaaq iyo jiray Saabir oo Galabtay Duqayn lagu Dilay

Cumaraani Maxamed Malaaq iyo jiray Saabir oo Galabtay Duqayn lagu Dilay

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay magacyada horjoogayaasha Al-Shabaab ee lagu dilay duqeyntii maanta ka dhacday Shabeellaha Hoose.

Duqeyntan oo ka dhacday deegaanka Nuun-Garre oo hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay laba horjooge oo muddooyinkii dambe si aad ah loogu raadjoogay.

Labada horjooge ee lagu dilay howl-galkan ayaa kala ahaa; Cumaraani Maxamed Malaaq oo ahaa horjoogihii deegaanka Bariire iyo horjoogihii baadda iyo boobka dadka beeralayda ah u qaabilsanaa Alshabaab kaasi oo lagu magacaabi jiray Saabir.

“Labada horjooge ee la dilay ayaa ahaa dembiileyaal si wayn loogu raad joogay, kuwaas oo loo haystey gabbood fallo ay u gaysteen shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale waxaa lagu shaaciyay bayaankan in howl-gal aad loo qorsheeyay oo ay iska kaashadeen ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka lagu dilay toddobo ka mid ah kooxda Al-Shabaab.

Xubnahaan ayaa lagu bartilmaameedsaday fariisin kooxda Al-Shabaab ay ku lahaayeen duleedka magaalada Caad ee gobolka Mudug.

“Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamka ayaa waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta haraadiga ah,” ayaa markale lagu yiri bayaanka kasoo dowladda federaalka Soomaaliya.

Ad
Previous articleCiidamada Maraykanka oo 10 ka tirsan kooxda Xuutiyiinta Yemen ku Dilay Gudaha Bada Cas
Next articleKumuu ahaa daacigii masjidul Aqsa ee duqaynta ku geeriyooday?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here