Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay magacyada horjoogayaasha Al-Shabaab ee lagu dilay duqeyntii maanta ka dhacday Shabeellaha Hoose.
Labada horjooge ee lagu dilay howl-galkan ayaa kala ahaa; Cumaraani Maxamed Malaaq oo ahaa horjoogihii deegaanka Bariire iyo horjoogihii baadda iyo boobka dadka beeralayda ah u qaabilsanaa Alshabaab kaasi oo lagu magacaabi jiray Saabir.
“Labada horjooge ee la dilay ayaa ahaa dembiileyaal si wayn loogu raad joogay, kuwaas oo loo haystey gabbood fallo ay u gaysteen shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda.
Sidoo kale waxaa lagu shaaciyay bayaankan in howl-gal aad loo qorsheeyay oo ay iska kaashadeen ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka lagu dilay toddobo ka mid ah kooxda Al-Shabaab.
“Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamka ayaa waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta haraadiga ah,” ayaa markale lagu yiri bayaanka kasoo dowladda federaalka Soomaaliya.