Home Wararka Caalamka Colaadda Ukriane: Kyiv oo ka catooray hadal ka soo yeeray madaxweynaha Faransiiska...

Colaadda Ukriane: Kyiv oo ka catooray hadal ka soo yeeray madaxweynaha Faransiiska Macron

0

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa si kulul ugu jawaabay madaxweynaha waddanka Faransiiska Emmanuel Macron kaddib markii uu sheegay inay muhiim aheyd in Ruushka aanan lagu bahdilin duullanka uu soo qaaday.

Mr Macron ayaa sheegay inay muhiim aheyd in Madaxweyne Vladimir Putin uu heli karo waddo uu uga bixi karo waxa uu ugu yeeray “khalad asaasi ah” oo uu galay.

Hasayeeshee Dmytro Kuleba ayaa sheegay in xulafada dalkiisa ay tahay “inay si wanaagsan diiradda u saaraan sidii Ruushka halka uu mudan yahay loo dhigi lahaa” maadaama “isagu uu isbahdilayo”.

Mr Macron ayaa si joogta ah khadka taleefanka waxa uu kula hadlaa Mr Putin, arrintaas oo qeyb ka ah dedaal uu isagu garwadeen ka yahay oo la doonayo in xabadda lagu joojiyo wadahadalna lagu furo.

Faransiiska ayaa iskudayaya inuu sii wado joogtaynta wadahadalka uu la leeyahay hogaamiyaha Kremlin-ka taas oo ka duwan aragtida ay qabaan Mareykanka iyo UK.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Kuleba ayaa ku sheegay farriin uu soo dhigay bartiisa Twitterka in “wicitaannada lagu doonayo in loogaga hortago in la bahdilo Ruushka ay bahdilayaan oo kaliya Faransiiska iyo dalkiikasta ee kale ee ku baaqa”.

Kyiv ayaa sheegtayin Ruushka ay qasab tahay in uusan Ukraine ka helin tanaasul dhuleed, xilli duullaanka Ruushka caalamka laga cambaareeyay laguna tilmaamay gardarro aan loo meeldayin.

Goor sii horraysay, Mr Macron ayaa u sheegay warbaahinta Faransiiska in hogaamiyaha Ruushka “uu naftiisa go’doomiyay”.

“Waxay ila tahay waan u sheegay, inuu naftiisa iyo dadkiisaba uu u sameeyay khalad asaasi ah oo taariikhi ah,” ayuu yiri.

“In qofku uu isagu is go’doomiyo waa mid, hasayeeshee inay u suuragasho inuu middaas ka baxo ayaa ah mid adag,” ayuu ku daray.

Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Mario Draghi ayaa laf ahaantiisa ku ra’yi ah Mr Macron, oo waxa uu tilmaamayaa in Yurub ay doonayso “wadahadallo wax ku ool ah oo lagu kalsoonaan karo”.

Ad
Previous articleSanad kadib Xujeydii ugu Horaysay ee Ka Timid Dibada oo Gaaray Dalka Sacuudiga
Next articleAhlusuna oo Codsi U Dirsatay Madaxweyne Xasan Shiikh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here