Home Wararka Caalamka Colaadda Ukraine: Vladimir Putin oo qaaday tallaabadii ay reer Galbeedka uga digayeen

Colaadda Ukraine: Vladimir Putin oo qaaday tallaabadii ay reer Galbeedka uga digayeen

0

Madaxa guddiga Yurub Ursula von der Leyen ayaa sheegtay in “xilligii shidaalka iyo saliidda Ruushka ee uu Yurub ku gumeysanayay” uu sii dhamaanayo.

Hadalkeeda ayaa ku soo beegmaya ka dib markii shirkadda tamarta Ruushka ee Gazprom ay sheegtay in ay joojisay gaaskii ay u dhoofin jirtay Poland iyo Bulgaria.

Hogamiyayasha siyaasada ee Warsaw iyo Sofia ayaa sheegay in talaabada Moscow ay la macno tahay “Mugdi”.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa ku adkeystay in Moscow ay weli tahay dal tamar la isku halayn karo, wuxuuna sheegay in Ruushka tallaabada uu qaaday ay ku khasbeen waddamada reer Galbeedka.

Laakiin wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Poland, Marcin Przydacz, ayaa BBC u sheegay in Ruushku uu doonayo in uu “kala qaybiyo” ka dhex abuuro xulafada reer galbeedka.

Joojinta shirkadda Gazprom ayaa ka dambeysay kadib markii Poland iyo Bulgaria ay diideen inay ku bixiyaan gaaska lacagta Ruushka ee Rubles.

Bishii hore, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa go’aamiyay in dhammaan lacagaha tamarta lagu bixiyo lacagta Ruushka.

Talaabadan oo loogu talo galay in lagu soo xoojiyo lacagta sii liicaysa ee ay cunaqabataynta reer galbeedku ku soo rogeen, ayaa waxa si adag uga hortagay wadamada reer Yurub.

Bayaan ay maanta soo saartay, shirkadda Gazprom waxay ku sheegtay inay “gebi ahaanba hakisay gaaska ay siin jirtay Poland iyo Bulgaria” iyadoo la tixraacayo wareegtada uu soo saaray Mr Putin.

Shirkadda gaaska ee dawladda Poland ee PGNiG ayaa xaqiijisay in Gazprom sahaydii ay u keeni jirtay dalka la joojiyay waxayna ka digtay inay “xaq u leedahay inay magdhow raadsato” ayna isticmaali doonto “dhammaan cadeymaha qandaraasyadii ay galeen “.

Madaxweynaha Poland Andrzej Duda ayaa sheegay in “tallaabooyin sharci ah oo ku habboon” laga qaadi doono shirkadda Gazprom.

PGNiG waxay iibsatay 53% gaaska Gazprom 3-dii bilood ee hore ee sanadkan, laakiin Warsaw waxay sheegtay inay gaas ka heli karto ilo kale.

Raiisel wasaare ku xigeenka UK Dominic Raab ayaa TV-ga Ingiriiska ee Sky News ka sheegay in go’aanka lagu jarayo sahayda gaaska ay “saameyn aad u xun ku yeelan doonto Ruushka”.

Waxa uu intaa ku daray in ay sii go’doomi doonto Ruushka oo ay u horseedi doonto in uu noqdo “dal dhaqaalihiisu dhulka galo”.

Kahor ku dhawaaqista shirkadda Gazprom, madaxa shaqaalaha ee madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku eedeeyay Ruushka “inuu bilaabay dagaalkiisii gaaska ee Yurub”.

Andriy Yermak waxa uu sheegay in Moscow ay raadinaysay inay u isticmaasho agabka tamarta sida “hubka” waxa uuna ugu baaqay Midowga Yurub inay “cunaqabatayn ku soo rogaan kheyraadka tamarta”.

Yurub waxay ku tiirsan tahay Ruushka in ka badan saddex meelood meel baahideeda gaaska.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleAbilaziz Mohamed oo Dowlada Kanada Duldhigtay 250,000 oo dollar oo ugu Danbayn Gacanyta Lagu Dhigay
Next articleDoorashada Guddoomiye ku-xigeenada Golaha Shacabka oo billaabatay iyo xubnaha ugu cad-cad