Home Wararka Caalamka Colaadda Itoobiya: Yaa guuleystay Abiy Axmed iyo TPLF?

Colaadda Itoobiya: Yaa guuleystay Abiy Axmed iyo TPLF?

0

Quwadaha shisheeye ayaa si weyn u soo dhaweeyay xabad joojinta ay wada saxiixdeen xukuumada Itoobiya iyo madaxda Tigrayga ee lagu soo afjarayo dagaalka arxan darada ah ee ka socda waqooyiga dalkaasi, isla markaana loogu furayo mucaawinada dadka halista ugu jira macluusha, balse su’aashu waxay tahay in uu guulaysan doono iyo in kale.

3 maalmood ka dib markii sacabka loo tumay xafladii lagu saxiixayay heshiiska oo ka dhacday caasimadda dalka Koonfur Afrika ee Pretoria, ayaa waxaa wali cirka isku sii shareeraya dhawaqa madaafiicda iyo diyaaradaha ku dul wareegaya buuraha Tigrayga.

Heshiisku wuxuu si weyn u waafaqsan yahay ujeeddooyinka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed markii uu bilaabay wax uu ugu yeeray “hawlgal sharci-fulin” oo ka dhan ah xisbiga talada haya ee gobolka – Tigray People’s Liberation Front (TPLF) – laba sano ka hor.

Waxaa jiri doona hab wada xaajood ah oo hub ka dhigis loogu sameeynayo dagaalyahanada Tigrayga.

Heshiiska uu Mr Abiy la galay TPLF uma dhicin sidii ay rabeen “Dowladda Tigray”.

Heshiiska waxa uu diidayaa doorashadii 2020 ee Tigray, oo ay ku guulaysteen TPLF, wuxuuna qorsheynayaa doorasho cusub.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada dhexe ayaa ka dalbatay kooxda TPLF inay gabi ahaanba isa soo dhiibto balse taas uma aysan suurogelin.

Waxa ay dowladda ballan qaadday in ay meesha ka saarayso in kooxda TPLF ay tahay urur Argagixiso, ayna gorgortan siyaasadeed kala gali doonto sidii Tigray loo maamuli lahaa.

Heshiisku wuxuu xooga saarayaa in labada dhinacba ay u hogaansamaan dastuurka federaalka ee jira.

Waxaa ka mid ah in lagu xalliyo xaaladda degaannada ay ka midka yihiin galbeedka Tigray-ga EE qaniga ku ah beeraha – oo ay la wareegeen gobolka dariska ah ee Axmaarada toddobaadyadii hore ee dagaalka – iyadoo loo marayo hab dastuuri ah.

Qodobka bini’aadantinimo ee heshiiskani waxa uu albaabada u furayaa soo afjarida gaajada ee galaafatay nolosha dad gaaraya hal milyan oo qof.

Kadib laba sano oo go’doomin iyo gaajo, iyo cadaadis militari oo aan kala joogsi lahayn oo kaga yimid ciidamada isku dhafka ah ee Itoobiya iyo Eritrea oo ay weheliyaan ciidamada gobolka Axmaarada, madaxda Tigraygu waxay sameeyeen tanaasulaad aad u weyn.

Xisaabtoodu waxay u muuqataa inay ka fakareen badbaadada dadka Tigray ay naftoodu halis ku jirto.

In ka badan hal milyan oo qof ayaa barakacay tan iyo markii ay dagaalladu dib u soo cusboonaadeen bishii Ogosto, iyaga oo aan awoodin in ay goostaan ​​dalagyadii at tabcadeen.

Dadka ayaa u dhimanaya cudurro la daweyn karo iyadoo isbitaallada ay ka dhammaadeen dawooyinka aasaasiga ah sida insulin iyo antibiyootiga.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleCanada: Waxaan u baahannahay 1.4 milyan oo qof oo xirfadahan leh
Next articleWar ka soo kordhay diyaarad rakaab ah oo ku burburtay Tanzania