Home Wararka Somaliya Galmudug Ciyaartoyda Galmudug iyo Horshabeele oo Galabtay afka isdari Doona

Ciyaartoyda Galmudug iyo Horshabeele oo Galabtay afka isdari Doona

0

Waxaa Jimcaha maanta lagu wadaa inuu si rasmi ah u furmo tartanka maamul goboleedyada Soomaaliya. Afrikada bari saacaddu markay tahay 3-da galabnimo, waxaa tartankaasi lagu daah furi doonaa kooxaha metelaya maamullada Galmudug iyo Hirshabelle.

Tartankan ayaa waxaa si aad ah loogu hadal hayaa magaalada Muqdisho, oo ah halka uu ka dhici doono kulankaasi.

Tartanka sanadkan waxaa ka qeyb galaya shan kooxood oo kala ah Galmudug, Hirshabelle, Juballand, Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir.

Waxaa aan ciyaareyn oo tartamnkan ka maqan maamulka Puntland. Afarta kooxood ee ugu dhibcaha badan ayaa u soo gudbi doona wareegga afar-dhamaadka halka kooxda ugu dhibcaha hooseysa ay ka hari doonto tartanka.

Ad
Previous articleCiidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Gorgor oo Wali Gaaro la Caad iyo Wararkii ugu Danbeeyey ee Dagaalada koonfurta Gobalka Mudug
Next articleXaaska madaxweyne Museveni oo lagfa helay xanuunka Covid-19

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here