Home Wararka Maanta Ciidamada ka Tirsan NISA oo Dilay Askari ka Tirsanaa Haramcad

Ciidamada ka Tirsan NISA oo Dilay Askari ka Tirsanaa Haramcad

0

Ciidamo ka tirsan Nabad Sugida Soomaaliya gaar ahaan qeybtooda Duufaan ayaa xalay fiidkii magaaada Muqdisho ku dilay askari ka tirsanaa ciidamada booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Askariga la dilay oo magaciisa lagu sheegay Axmed Cabdi Keydsane ayaa toogashadiisa waxa ay ka dhacday qeybo kamida xaafadda Suuqa Xoolaha ee duleedka magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in dilka uu ka yimid kadib markii ay kala shakiyeen askariga la dilay oo uu la socday mid kale oo Haramcad ah iyo ciidamada Duufaan oo xiligaasi howlgalo baaritaana ah waday, waxaa la sheegay in is rasaaseyn kooban ay dhex martay labada dhinac.

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ayaa ku waramay in gacanta lagu soo dhigay ciidamadii ka danbeysay dilka, haatanna su’aalo lagu weydiinayo mid kamida saldhigyada ku yaala gobolkan Banaadir.

Si kastaba, askariga la toogtay oo kamid ahaa ciidamadii u horeeyay ee lagu aasaasay booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa dhawaan uun aqal galay, sidaas waxaa warbaahinta u sheegay qaar kamida ehelka marxuumka.

Ad
Previous articleDad badan oo Ku dhintay Weerar lagu Qaaday Xaflad Ugaas Cusub lagu Caleemo Saaraayay
Next articleMuuse Biixi “Mareykanka laba meelood ayaan kala taaganahay anaga waxa noogu weyn waa aqoonsiga, ayaguna waxay taagan yihiin arrintaan waa mid u taalla Afrika,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here