Home Wararka Maanta Ciidmada Ukrain oo Duqayn ku Burburiyay Kaydkii Shidaalka ee Ruushka(Sawiro)

Ciidmada Ukrain oo Duqayn ku Burburiyay Kaydkii Shidaalka ee Ruushka(Sawiro)

0

Duqeymo diyaaradeed ayaa sababtay dab ka kacay xarun lagu keydiyo shidaalka oo ku taal dekedda Sevastopol ee gobolka Crimea, taasoo cirka u dirtay qiiq aad u ballaaran oo madow ka hor inta aan la damin sida uu sheegay guddoomiyaha magaalada Moscow.

Khubarada ayaa baartay goobta “waxaa caddaatay in hal diyaarad oo kaliya ay awood u leedahay inay gaarto kaydka saliidda”, ayuu Mikhail Razvozhaev ku sheegay app-ka fariimaha Telegram-ka, isagoo intaa ku daray inaysan jirin cid wax ku noqotay dabka.

Diyaarad kale oo aan duuliye lahayn ayaa la soo riday, burburkeeda waxaa laga helay xeebta u dhow terminalka, ayuu Razvozhaev hadalkiisa ku daray.

Sarkaal ka tirsan sirdoonka milatariga Ukraine ayaa sheegay in Duqeyntaas lagu burburiyey 10 taangi oo saliid ah kuwaasoo ay ku jireen saliid gaareysa 40,000 oo tan oo loogu talagalay inay isticmaalaan maraakiibta badda madow ee Ruushka.

Sarkaalkan lagu magacaabo Andriy Yusov, ma uusan sheegan in Ukraine ay mas’uul ka tahay qaraxa, sida uu sheegay RBC, taa beddelkeeda waxa uu qaraxa ku tilmaamay ciqaabta Eebbe ee weerarradii Ruushku ka geystay magaalooyinka Ukraine Jimcihii.

“Ciqaabtaani waxay noqon doontaa mid waara, mustaqbalka dhow, waxay u wanaagsan tahay dhammaan dadka deggan Crimea si ku-meel-gaar ah inaysan u dhowaan xarumaha militariga” ayuu yiri Yusov.

Saraakiisha Ukraine ayaan inta badan sheegan mas’uuliyadda qaraxyada ka dhaca goobaha ciidamada ee Crimea, inkastoo mararka qaarkood ay u dabaaldegaan iyagoo adeegsanaya erayo xamaasad leh.

Afhayeen u hadlay ciidamada qalabka sida ee Ukraine ayaa horay u sheegay in uusan haynin wax macluumaad ah oo muujinaya in Ukraine ay mas’uul ka tahay dabka.

Ukraine waxaa ka maqan gantaalada riddada dheer oo gaari kara bartilmaameedyada meelaha ay ka mid tahay Sevastopol, hase ahaatee waxay adeegsanayeen duqeymo ay fuliyaan dayuuradaha Droneska.

Tan iyo markii uu Ruushku bilaabay duulaanka buuxa ee Ukraine bishii Febraayo ee sanadkii la soo dhaafay, Moscow waxay ku eedaysay Kyiv inay soo dirtay mowjado cirka iyo badda ah si ay u weeraraan Crimea.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Kusoo Laabtay Degmooyin laga Saaray ee Ka Tirsan Shabeelada Dhexe iyo Cabsi laso Daristay Shacab ku Dhaqan Aagaas
Next articleKoox Dad ah lagu dilay toogasho cusub oo ka dhacday Mareykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here