Home Wararka Caalamka Ciidmada Ruushka oo Gantaal Ku Burburiyay Warshad Ukrain Muhiim u ahayd

Ciidmada Ruushka oo Gantaal Ku Burburiyay Warshad Ukrain Muhiim u ahayd

0

Ciidamada Ruushka ayaa wali wada duqeymaha ay ku garaacayaan magaalooyin waa weyn oo kuyaala dalka Ukraine , waxaana duqeymahaasi ka dhashay khasaarooyin badan oo isugu jira naf iyo maalba.

Gantaal ay soo rideen ciidamada Ruushka ayaa la sheegay in uu ku dhacay warshad saliidda sifeysa oo ku taal bartamaha Ukraine gaar ahaan magaalada Kremenchuk, waxaama gantaalkaasi warshada gaarsiiyay bur bur baaxad weyn.

Guddoomiyaha gobolka Poltava Lunin Dmytro Lunin, ayaa sheegay in gantaalka ku dhacay warshada saliida sifeysa uu keenay in warshada gubato, waxa uuna xusay in khasaaro xoogan uu gaaray warshada la duqeeyay.

“Dabkii ka kacay warshadda sifaynta waa la damiyay, laakiin gebi ahaanba xarunta ayaa baaba’day, mana sii shaqayn karto, khasaaro badan ayaana halkaasi ka dhashay” ayuu yiri  guddoomiyaha gobolka Poltava.

Ciidamada Ruushka ee duullaanka ku qaaday dalka Ukraine ayaa duqeymo culus ku bur buriyay magaalooyin badan oo kuyaala dalka Ukraine, waxa ayna ciidamada si gaar ah u bartilmaameedsadeen xarumo muhiim ah oo kuyaala dalkaasi Ukraine

Ad
Previous articleTaliyihii ilaalada Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug oo Geeriyooday iyo Cali Ciid oo Ka Hadlay
Next articleAkhriso Magacyada iyo Tirada Xildhibaanada Maantay Qaatay Shahaadada Xildhibaanimo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here