Home Wararka Caalamka Ciidmada Ruushka oo Dilay nin ka Badbaaday Xasuuqii Yahuuda loo Gaystay

Ciidmada Ruushka oo Dilay nin ka Badbaaday Xasuuqii Yahuuda loo Gaystay

0

Ciidamada Ruushka ee duullaanka ku qaaday dalka Ukraine ayaa la sheegay in ay dileen nin Oday Yahuudi ah oo ka badbaaday xasuuqii ciidamada Naaziga Jarmalka u geesteen dad Yahuud ah xilligii uu socday dagaalkii labaad ee dunidda.

Boris Romantschenko, oo 96 jir ahaa kana mid ahaa dadkii ka badbaaday xasuuqii Yahuuda loo geestay ayaa jimcihii ku dhintay magaalada Kharkiv ,kaddib markii gurigii uu degnaa uu ku dhacay madfac ay rideen ciidamada Ruushka.

Eheladda ninkan lagu dilay madfaca ay rideen ciidamada Ruushka ayaa xaqiijiyay geeridiisa, waxa uuna ninkan kamid ahaa dadkii ku go’doomay magaalada Kharkiv ay Ruushka ku garaacayaan madaafiicda iyo hubka culus.

Hay’adda u dhaqdhaqaaqda arrimaha la xiriira xasuuqii Yuhuudda oo lagu magacaabo Buchenwald and Mittelbau-Dora Memorials Foundation ayaa si kulul u cambaareesay dilka ninkan katirsanaa hay’adda .

Waxa ay sheegtay hay’addan uu guddoomiye kuxigeen ka ahaa ninkan la dilay in ay aad uga naxeen warka ku aadan dilkiisa, waxa ayna tacsi u direen masuuliyiinta hay’addan qoyska Boris Romantschenko.

Ninkan odayga ah ee ku dhintay duqeynta Ruushka ayaa horey uga soo badbaaday xasuuqii loo geestay dadka Yahuuda , waxaana ninkan marar badan xiray ciidamadii Naaziga Jarmalka uu hoggaaminayay Hitler.

Ad
Previous articleAxmed Madoobe iyo Kenya oo Heshiis Hoose ka Gaaray 16ka Kursi ee Taalay Garbahaareey
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo Ka Hadlay Geerida Wadaad Caan ah oo Goordhow Geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here