Home Wararka Maanta Ciidmada Dowlada oo Si rasmi ah ula wareegay Degmada Ceelbuur

Ciidmada Dowlada oo Si rasmi ah ula wareegay Degmada Ceelbuur

0

Ugu Danbayn Ciidanka dowladda oo gudaha u galay Degmada  Ceelbuur Ciidamadaan oo kahor inta aysan Galin Magaalada Alshabaab kala Hortageen Gaari uu Waday Qof ismiidaamiye.

Mid kamid ah Saraakiisha Hogaaminaysay Weerarkaan ayaa Warbaahinta Ku Yiri:

Ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka ayaa goordhow ku guuleystay fashilinta qarax is miidaamin ah oo laga soo buuxiyey gaari saaruf ah, kaasi oo lagu soo weerarey iyagoo ciidamada maraya halka lagu magacaabo Jeexan oo ku taala afaafka Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidankeedu uu qabsaday degmada istaraatiijiga ah ee Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay degmadaasi ka carareen.

Jeneraal Axmed Aadan, Taliyaha ciidamada lugta Soomaaliya ayaa VOA u xaqijiyay in ciidamada dowladda iyo kuwa deeggaanku ay goor dhaweyd gudaha u galeen degmada Ceelbuur.

Degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa gacanta ku hayay kooxda al-Shabaab tan iyo sanaddii 2017 oo ay dib u qabsadeen.

Qabashada Ceelbuur ayaa noqonaya guul-darro xooggan oo kooxda Al-Shabaab soo wajahaday, maadama u ahaa fadhiisinkii ugu weynaa ee kooxdu ay ka joogtay bartamaha Soomaaliya.

majirin Wax Dagaal ah oo kale oo Ka Dhacay Magaalada Ceelbuur kahor inta aysan Ciidamada Dowladu gudaha Ugalin Ciidmada ayaana Dhowr jiho kasoo Galay Degmada Ceelbuur oo Haawanaysa.

Majiro Qof ku sugan Shacab iyo Alshabaab Gudaha Magaalada Alshabaab ayaana Horay usii kaxaystay Dadkii Daganaa Magaladaan waxaana La sheegay inay La aadeen Dhulka Ay wali maamulaan oo Ka Tirsan Galmudug.

Ciidamada Hada la wareegay ayaa ah kuwii ka yimid Dhanka Wabxo oo uu Hogaaminaayo Ismaaciil Cabdimaalik iyo kuwa Danab Sidoo kale Ciidamada Dadka Deegaanka Beesha Duduble ayaa lasocda Ciidmadaan.

MD Xasan Sheekh oo goordhaw lafilayaa inuu hadlo kana Warbixiyo Qabashada Magaladaan ay Alshabaab Maamulaayeen inkabadan 16 sano.

 

 

Booliska Puntland oo ka Warbixiyay Dagaal ka dhacay Magaalada Garoowe

Ciidanka Booliska Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay iska hor imaad maanta ka dhacay magaalada Garoowe, kaas oo dhexmaray laba ciidan sababayna dhimashada labo askari iyo dhaawaca 5 kale oo labada

Xulalka Somaliya iyo Guinea oo ku kala baxay bar-baro kulan ka tirsanaa isreeb reebka Koobka Aduunka

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa Xalay kulan ka tirsanaa isreeb reebka Koobka Aduunka ee sanadka 2026-ka ee kaga hortagay dhigiisa dalka Guinea oo ay ku kala baxeen 90-kii daqiiqo ee ciyaarta

Muuqaal Duube ka tirsan Kooxda Shabaab oo lagu qabtay Koonfur Galbeed

Wararka ka imaanaya Degmada Waajid ayaa sheegay in ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka hor tageen weerar ay Koox ka tirsan Al shabaab ku qaadeen fariisin ciidamada maamulka Koonfur

Sirdoonka NISA oo Sheegay in Xubno ka tirsan Shabaab lagu dilay Sabiid iyo Caanoole

War kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa faah faahin looga bixiyay duqeymo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degaanka Sabiid iyo Caanoole oo lagu bartilmaamaysaday horjoogayaal iyo dagaalamayaal ka tirsan Kooxda

Abiy Ahmed oo Sheegay in Itoobiya aysan Rabin Dagaalka Ereteriya si ay Bad u hesho

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisu aanu rabin in uu dagaal la galo waddanka Ereteriya si uu u gaadho Badda Cas, taasoo muddo dheer Addis Ababa ku taamaysay gaadhisteeda.
Ad
Previous articleSSC oo Gacanta ku Dhigtay Taliyihii Ciidamada Soomaaliland ee Gobalka Sool(Sawiro)
Next articleQoor Qoor oo ka Hadlay Qabashada Degmada Ceelbuur