Home Wararka Maanta Ciidmada Booliska Oo Gacanta Kusoo Dhigay ciyaal Weero Farabadan iyo Hubkooda(Sawiro)

Ciidmada Booliska Oo Gacanta Kusoo Dhigay ciyaal Weero Farabadan iyo Hubkooda(Sawiro)

0

Booliska Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa howlgal ku soo qabtay tiradii ugu badnayd oo ciyaal-weero ah, kuwaas oo watay tooreeyo iyo baangado.

Kooxdaan ayaa lagu eedeeyey inay ku howlanaayeen dhibaateynta shacabka ku nool deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Ciidanka ayaa kooxdaan ka qabtay waaxda Jabad-gelle ee degaanka Ceelasha Biyaha, waxaana dhamaantood lagu soo xiray saldhigga guud ee deegaanka.

“Howlgalada ka dhanka ah Ciyaal-weerada iyo Burcadda ayaa si wanaagsan u socda, waxaana Taliska Booliska Qeybta Guud ka go’an sii laba jibaaridda howgaladaan, si ammaanka bulshada uu u noqdo mid sugan,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Waa tiradii ugu badneed oo ciyaal-weero ooh al mar lagu soo qabto howlgal, sida lagu cadeeyey qoraalkaan, sidoo kale wuxuu boolisku soo bandhigay sawirrada kooxdaas gacanta lagu soo dhigay.

Shacabka ku nool magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran ayaa qaati ka taagan ciyaal-weero dhac iyo dilal u geysata, waxaana maalmihii lasoo dhaafay bilowday howlgallo culus oo kooxahaas ka dhan ah.

Baacsiga ay dowladdu ku heyso ciyaal-weerada waxaa u dheer kan ay kala kulmayaan kooxda Al-Shabaab, maalmihii iyo habeenadii lasoo dhaafay Al-Shabaab waxay sheegteen dilka tiro ciyaal-weero ah.

Sidoo kale kooxda Al-Shabaab waxay beegsi ku bilowday ragga ka ganacsada ama isticmaala maan-dooriyaha, taasi waxay cebsi badan oo dowladda aysan ka qabin ay ku abuurtay ceel-weerada iyo kuwa loogu yeero ‘cabtoyda.’

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleTrump oo Talaadada xabsi la dhigaayo
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo Gaaray Kampala iyo Ujeedka Safarkiisa oo la shaaciyay (Sawirro)