Home Wararka Maanta Ciidmada Amaanka Oo Howlgal Culus ka Fuliyay Magaalada Muqdisho

Ciidmada Amaanka Oo Howlgal Culus ka Fuliyay Magaalada Muqdisho

0

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay howlgal culus ka sameeyay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaas oo lagu soo qab-qabtay tiro dad ah.

Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah looga sameeyay gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay xalay isku fidiyeen ciidamada Booliska Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay gudaha u galeen xaafado ay ka mid tahay xaafada Ciise Cabadi, halkaas oo goob fagaare ah la’isugu keenay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo qaarkood ay ciidamadu horey u kaxeyseen, si ay u weydiiyaan su’aallo dheeraad ah.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa lab weji mid lagu xaiijinayay amniga iyo la dagaallanka waxyaabaha maanka dooriya oo muddooyinkii dambeeyay ay la damaaeyso dowladdu.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay howlgalka sii wadi doonaan, ayaga oo shacabka ka dalbaday inay kala shaqeeyaan amniga, si looga hortago amni darrada.

Dayniile ayaa kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ee ay mararka qaar weeraro iyo dilal ay ka fuliyaan xoogaga Al-Shabaab oo haatan wajahaya culeys xoogan.

Howlgalladan ayaa qayb ka noqonayo dhaq-dhaqaaqyada dowladda Soomaaliya ka wado magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga, burcadda iyo ciyaal-weerada.

Si kastaba, reer Muqdisho ayaa hadda ku nooloonaya nabad iyo deganaan ay heleen kadib isbeddal amni ee ka dhacay caasimada oo lagu wareejiyay Ciidan Boolis Milataaro ah

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka ka Socda Dalka Suuriya

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii
Ad
Previous articleHoorjooge Mahad Cagaduub oo Sabab yaab leh Ugu Dhintay Galmudug iyo Kuwa kale oo nolosha Lagu Soo Qabtay(Sawiro)
Next articleWasiirka Farax Shiikh Cabdulqadir oo sheegay iney joojiyeen ceebeynta dad ku kacay arrin ka yaabisay