Home Wararka Maanta Ciidankii Soomaalida ee hubkii uu Mareykanku siiyay isu adeegsaday markii ay kala...

Ciidankii Soomaalida ee hubkii uu Mareykanku siiyay isu adeegsaday markii ay kala jabeen

0

Go’aanka uu Mareykanku ku gaaray in 500 oo askari uu dib ugu celiyo Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab waa ififaale caddeynaya taageerada dowladda madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Shaacinta waxa uu Hoggaanka Afrika ee Mareykanka (Africom) ku tilmaamay “Joogista milateriga Mareykanka ee tirada yar”, wuxuu nafis u noqon doonaa dadka Soomaaliyeed oo la dhibtoonaya weerarrada kordhaya ee argagixiso.

Ciidanka Mareykanka ee laga saaray Soomaaliya waxaa la dejiyay Jabuuti. Ciidanka dowladda federaalka ah ee isbaheysigooda ayay noqotay in ay buuxiyaan kaalinta Mareykanka ee ku soo bannaanaatay tan iyo go’aankii Trump.

Kumaandooska laga baqo ee uu tababaro Mareykanka

Hase yeeshee, waxaa su’aalo la iska waydiiyaa faa’iidada iyo khasaaraha ay keenayaan ciidanka Mareykanka ee Soomaaliya ka howl galaya.

Mararka qaar, Mareykanka ayaa tababar iyo qalab siiya ciidan ugu dambayntii ay howshoodu noqoto inay iyaga iska soo hor jeestaan.

Bishii December ee sanadkii 2021-kii, askar uu Mareykanku u tababaray la-dagaallanka argagixisada oo ka howlgala Puntland ayaa labo u kala jabay.

Labadii dhinac ayaa billaabay inay dagaal isaga soo horjeestaan, iyagoo isu adeegsanayay hubkii uu siiyay militeriga Mareykanka. In ka badan 20 qof oo ay carruur ku jiraan ayaa lagu dilay dagaalkaas.

Dhibaatada kale ee jirta ayaa ah in Mareykanku uusan ahayn dalka kaliya ee ajnabiga ah ee tababar iyo hub siiya ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliya.

Kumaandooska tababarka ugu sarreeya ka qaata Mareykanka oo lagu magacaabo Danab ayaa ah kuwa loogu cabsida badan yahay gudaha Soomaaliya.

Inta badan waxay xirtaan maaskaro madow oo madaxa iyo wajigaba qarisa, marka inshaha laga reebo.

Ciidanka kale ee loo yaqaanno Gorgor ayaa iyagana xirfadaha ka barta militeriga Turkiga ee Muqdisho ku leh saldhiggooda ugu wayn ee dibadda ka ah dalka Turkiga.

Waddamada Imaaraadka, Qadar, Ingiriiska, Midowga Yurub, Eritrea, Uganda, Kenya, Jabuuti iyo kuwo kale ayaa sidoo kale ku lug leh arrimaha la xiriira ciidanka Soomaaliya.

Arrintani waxay horseedday in uusan jirin hannaan wada-shaqeyneed oo ay leeyihiin ciidanka dhexdooda. Mararka qaar ciidan uu dal ka mid ah waddamadaas tababaray ayaa la safta urur-siyaasadeed gaar ah.

Bishii April ee sanadkii 2021-kii, dagaal xooggan ayaa ka dhex qarxay dhinacyo kala duwan oo ka mid ah ciidamada amniga ee ku sugan Muqdisho, taasoo keentay in laga walwalo inuu dalku dib ugu noqdo dagaalladii sokeeye ee horraantii sagaashankii.

Ad
Previous articleXiddiga soo baxaya: Maxay tahay abaalmarinta uu Sharma Boy uga guuleystay fannaaniinta Afrika?
Next articleQabiil Weeraray saldhig Al-Shabaab si uu ugu aargudo nabaddoon laga dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here