Home Wararka Maanta Ciidanka xoogga oo si rasmi ah16 Sano kadib loogu wareejiyay amniga Villa...

Ciidanka xoogga oo si rasmi ah16 Sano kadib loogu wareejiyay amniga Villa Somalia(Sawiro)

0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay amniga guud ee Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia.

La-wareegistan ayaa imaneysa kaddib 16 sano oo walaalaha Ciidamada Afrika ee ATMIS (ex-AMISOM). ay door ku lahaayeen sugidda amniga Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabad ku qabsoomtay Villa Soomaaliya oo ay ka qeyb-galeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf iyo Wakiillada Midowga Afriga iyo Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayey ciidamada xoogga dalka kula wareegeen amniga Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyey Guutada 77-aad ee Xoogga Dalka la wareegidda masuuliyadda amniga madaxda dalka ayaa tilmaamay macnaha ay leedahay tallaabadan oo ka tarjumeysa dib u soo laabashada cududda iyo awoodda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh ayaa kormeeray ciidamada ilaalada Madaxtooyada oo u soo bandhigay sida ay ugu diyaarsan yihiin sugidda amniga madaxda dalka.

Sidoo kale wuxuu u mahad-celiyey saraakiisha iyo askarta ATMIS ee sanaddada badan ku gacan siinaysa sugidda amniga hoggaanka dalka.

Arrintan ayaa ka dhigan in hadda kadib amniga xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay sugi doonaan ciidamada Soomaaliyeed, taasi oo soo gaba-gabeneysa ciidamadii ajnabiga ahaa ee Madaxtooyada joogay tan iyo sanadkii 2007-dii.

ATMIS ayaa horay u wareejisay xerooyin ciidan oo ay ku lahayd gobollada dalka, ayada oo ujeedka uu yahay inay si tartiib ah uga baxdo dalka, inta laga gaarayo dhamaadka 2024.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Horjooge sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo la duqeeyay
Next articleSheekh Mukhtaar Roobow oo markii u horeysay ka sheekeeyay arrin qabsatay intii uu ku guda-jiray howlaha adeegga Xajka.