Home Wararka Caalamka Ciidanka Sweden ee Xeebaha oo War Cusub kasoo saaray Dhuumaha la Qarxiyay...

Ciidanka Sweden ee Xeebaha oo War Cusub kasoo saaray Dhuumaha la Qarxiyay ee Nord Stream

0

Gaaska Ruushka ayaa wali ka sii qulqulaya dhuunta Nord Stream 2.Sidaas waxaa sheegay ciidamada ilaalada xeebaha Sweden . Dhamaadkii todobaadka ayaa la sheegay in qulqulka gaaska ee tuubada burburtay uu joogsaday .

Ciidamada ilaalada xeebaha Sweden ayaa isha ku hayay xaalada badda Baltic.

Sida laga soo xigtay Ritzau, wakaaladda tamarta deenishka, ayaa u sheegtay shirkadaha Nord Stream, in gaasku sii socdo.

Maamulka badaha ee Iswiidhan ayaa soo saaray digniino dhanka socdaalka ah oo ku wajahan aaggaas , iyo waxyaabo kale, talooyin kala fogaansho ah.

Inkastoo Baaritaan ay wadaan Dalalka Yurub hadana si dhab ah looma ogaan Cida ka danbeesay weerarka loo geestay dhuumaha Gaas ee Nord Stream 1 iyo 2.

Ad
Previous articleRuushka oo siidaayay Madaxdii Warshadda tamarta Nukliyeerka ee Ukraine
Next articleDowlada Turkiga oo War Kulul kasoo Saartay Qaraxyadii baladweyne