Home Wararka Somaliya Jubbaland Ciidanka Kumandoska Danab oo gubay gaarigii Horjooge C/raxman Gaagaale (Sawirro)

Ciidanka Kumandoska Danab oo gubay gaarigii Horjooge C/raxman Gaagaale (Sawirro)

0

Ururka 5aad Guutada 16aad Kumandooska XDS Ee Danab Ayaa Howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay degaano

Degaanka Qudus, Yaaq-dabayl, Sariiraha,  Aboodinka, Barja llah iyo kuwo kale oo ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose.

“Degaanadan ayey Aragagixisadu ku dhibaateyn jirtay dadka shacabka ah ee halkaas ku dhaqan waxayna ku lahaayeen fariisimo, baro-kontarool iyo waliba goobo ay gabaad ka dhigtaan, balse ciidanka Kumaandooska Danab oo ka war haley dhibaatadaas ayaa si deg dega uga jawaabay waxayna gabi ahaanba burburiyeen farisimihii halkaas ugu yaalay khawaarijta” ayaa lagu yir qoraal ay ka soo baxay taliska ciidanka Danab.

Hawgalku intii uu socday ciidanka Kumandoska Danab waxay sheegeen inay gubeen gaari u lahaa nin la yiraahdo C/raxman Gaagaale  oo ah ku-xigeenka ciidanka Jabhadaha ee Al-Shabaab ugu qaabilsan gobolka Jubada hoose, kaasoo ay sidoo kale sheegeen inuu isaguna faro cidiyo uga baxsaday.

Ad
Previous articleSenegal: Sagaal qof oo ku dhintay rabshado ka dhashay xukun lagu riday hoggaamiyihii mucaaradka
Next articleBoggii Facebook ee Cali Yare Cali OO hawada Laga Saaray Kadib Markii Uu shalay Soo dhigay post ay Dowladu Dhibsatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here