Home Wararka Maanta Ciidanka Kumaandoska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Burburiyay Xarumo Alshabaab(Sawiro)

Ciidanka Kumaandoska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Burburiyay Xarumo Alshabaab(Sawiro)

0

Ciidanka Kumaandoska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Degaanka War-ciise ee gobolka Shabeelaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada Danab ayaa xusay in Howlgalka khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Al-shabaab, lagana gubay xarumihii ay ku lahaayeen degaanka Sida saldhigooda, xarun maxkamadeed oo ay halkaas ku lahaayeen.

“Ciidanka Xoogga Dalka ayaa argagixisada ka soo furtay hub iyo gaari nooca Homayda loo yaqaan oo ay adeegsan jireen iyadoo laga dilay ku dhawaad 7 maleeshiyaad ah” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in ujeedka howlgalka uu ahaa ka hortaga wax uu ugu yeeray dhagarta ay soo maleegeen Shacabka Soomaaliyeed.

Ad
Previous articleDanjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Amb: Cusman Abuukar Baalle oo Dhaliil Culus u Jeediyay Qaramada Midoobay kadib marki……
Next articleP.M Rooble:Madaxweyne Xasan waxaa ka sugeyna doorasho qof iyo cod ah oo aan dib loogu noqon dhibkii lasoo maray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here