Home Wararka Maanta Ciidanka Israel oo dil argagax leh ka geystay woqoyiga Magaalada barakeysan ee...

Ciidanka Israel oo dil argagax leh ka geystay woqoyiga Magaalada barakeysan ee Qudus

0

Maamulka Falastiin aya sheegay inay Askarta Israel Waaberigii hore ee maanta oo Khamiis ah toogasho ku dileen Aabe Falastiini ah oo ku sugnaa Xerada Qaxootiga Degaanka Qallandiya oo dhanka Waqooyi kaga toosan magaalladda Qudus.

Aabaha la dilay waxaa lagu magacaabi jirey Samiir Awni Xarbi Aslan oo 41 jir ahaa, kaasoo u geeriyooday rasaas ay Askarta Israel kaga dhufteen Laabta.

Wakaallada Wararka Falastiin ee WAFA waxay sheegtay in Marxuumka la dilay, xilli uu doonayey inuu Wiilkiisa ka badbaadiyo Askarta Israel oo kaxaysan lahayd.

Dhanka kale, Askarta Israel waxay dileen waxay 24-kii saacadood ee la soo dhaafay dileen 3 Muwaadin oo Reer Falastiin ah.

Shalay oo Arbaco ahayd waxay dileen Marxuumiinta lagu kala magacaabi jirey Axmed Amiir Abu Janayd oo 21 jir ahaa iyo Sanad Maxamed Samasra oo 19 jir ahaa.

Tiro-koobkii u dambeeyey ee Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Falastiin soo saareen waxa lagu sheegay in bishan oo keliya ay Askarta Israel diledn 7 qof oo Falastiiniyiin ah oo 3 ka mid ah aysan Qaangaarin.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleIn ka badan 100 askari oo Ruush ah oo laga dilay 24-kii saac ee la soo dhaafay
Next articleCiidmado Shalay Laga Dajiyay Magaalada Gaalkacyo oo Qaarkood Geeriyoodeen