Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Ciidanka Dowlada oo Toogtay mid ka mid ah Alshabab oo Miino aasayay.

Ciidanka Dowlada oo Toogtay mid ka mid ah Alshabab oo Miino aasayay.

0

Qeybta 60-aad ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Degaanka Daynuunaay ee Gobolka Bay ayaa howlgal ay sameeyeen waxay ku fashiliyeen Miino ay aaseen Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 47-aad ee ka tirsan Qeybta 60-aad Ciidanka xoogga dalka  labo xiddigle Daahir Macalin Cali ayaa sheegay in Ciidamada ay toogteen Ninkii miinada ku aasayay agagaarka Xerada Ciidamada dowladda ee degaanka Deynuunay.

”Ciidamada oo Roondo ugu jiray sugida Amniga Dadka Iyo degaanka Deynuunay xilliga ayaa toogtay Ninka Miinada aasayay howlgalladana way sii socon doonaan ayuu yiri” Taliyaha.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa si joogto ah howlgallo uga fuliya degaannada Gobolada Maamulka Koonfur Galbeed kuwaasoo ka dhan ah Al-shabaab.

Ad
Previous articleFahad Yaasiin oo Shaaciyay Sababta uu 5Sano uu aamusna oo Iskuna Qarinaayay
Next articleRuushka oo Dil Toogasha ah ku Xukumay laba nin oo u Dhashay Dowlada British

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here