Home Wararka Maanta Ciidanka Booliska ee Degmada Guriceel oo soo saaray Amaro Cusub

Ciidanka Booliska ee Degmada Guriceel oo soo saaray Amaro Cusub

0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Degmadda Guriceel ee Gobolka Galgaduud Cismaan Cali Hudeey oo Amarada soo saaray ayaa marka hore sheegay in Amniga guud ee degmada uu yahay mid wanaagsan, isla markaana ay ka wada Shaqeeyeen Ciidamada & Shacabka.

Taliyaha ayaa ku dhawaaqay Amaro la xiriira dhanka amniga, kuwaas oo lagu soo rogay bulshada degmada ku nool, sida gaadiidleeyda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Waxaa uu ku amray gaadiidka aada dhinaca degmada Guriceel in muddo 15 Cisho gudahood ah ay isku soo diiwaan geliyaan, sidoo kale in Caruurta ka yar 15 sanno aysan socon karrin Magaaladda wixii ka danbeeya 09 fiidnimo kadib markii ay soo bateen Carruurta dhagaanta ku tuuraya Gaadiidka.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliiska Degmadda Guriceel ee Gobolka Galgaduud Cismaan Cali Hudeey ayaa sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan dadka Garsoorka u doonta Al-Shabaab.

Amaradaan kasoo baxay Taliyaha Ciidanka Booliiska Degmadda Guriceel ee Gobolka Galgaduud Cismaan Cali Hudeey ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab la sheegay inay kusoo dhawaadeen degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleCiidanka Galmudug iyo kuwa Dowlada oo Deegaano Cusub la wareegay Maanta
Next articleMadaxweynaha Galmudug oo gaaray Deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud sida Baxdo