Home Wararka Maanta Ciidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada...

Ciidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada Tababarka

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar Soomaali tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay oo dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24 askari sida ay sheegeen saraakiisha dalkaas.

Xafiiska duqa magaalada Isparta ee galbeedka Turkiga oo arrintu ka dhacday ayaa sheegay in dagaalka ciidamada dhexdooda ah uu ka dhacay xerada Gen. Ihsan Alper halkaas oo ah meel askarta ay ku qaataan tababar.

Sida wararku sheegayaan dhammaan 24-kii askari ee dhaawacmay waxaa la geeyay isbitaalka magaalada marka laga reebo hal askari, Xaaladdooda ayaa la sheegay in ay caadi tahay, sida ay qorayaan warbaahinta dalkaas.

Xafiiska duqa magaalada wuxuu kaloo sheegay in walaac dhanka ammaanka ah uu ka jiray xerada iyadoo hadda ay wadaan maamulka ku shaqada leh baarisyo maamulka iyo sharciga ah.

Xafiiska u qaybsanaha Arimaha Ciidamada ee Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga oo arintaan la falgashay ayaa dadwaynaha Soomaaliyeed la wadaagtay in la xaliyay qalaalasihii ka dhashay isku dhac kubada cagta ah oo dhex maray qaar kamid ah ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Waxaa bayaanka Safaaradda lagu yiri “Waxaa lagu war galinaayaa dhamaan ciidanka qaranka inay waajibaadkooda u gutaan si masuuliyad ku jirto xasuustaana inay tusaale u yihiin dhalinyarada kuna matalaan qaranka Soomaaliyeed wadankan Turkiga oo ay wax ku bartaan”.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articlePuntland oo sheegtay in Aqoonsiga Qaranka uu Noqday mashruuc hanti urursi ah oo culays ku ah shacabka Soomaaliyeed
Next articleDowlada Somaliya oo beenisay hadalka Puntland ee ku diiday Kaarka Aqoonsiga