Home Wararka Maanta Ciidamo si gaar ah Dalka Dibadiisa loogu soo tababaray oo Maantay ku...

Ciidamo si gaar ah Dalka Dibadiisa loogu soo tababaray oo Maantay ku biiray Dagaalka Ku socda Alshabaab(Sawiro)

0

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAAGOOTIYEY CIIDAMO SI GAAR AH U TABABARAN OO KA TIRSAN NISA OO KU BIIRAYA DAGAALKA KA DHANKA ARGAGIXISADA

Muqdisho, Feberaayo 11, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta sagootiyay Cutubyo ka tirsan Ciidamada muuqda/ hubaysan ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), kuwaasi oo si gaar ah loo siiyey tababarro sare oo la xiriira dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

Ciidamadan oo la baray Taqasusyo gaar ah oo la xariira weerarada qorsheysan, ayna tababareen khubaro ka socotay dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah ugu biiri doona howlgallada dalka ka socda ee lagu ciribtiraayo kooxaha Khawaarijta ah, isla markaana lagu xaqiijinayo amniga, kala dambaynta iyo xasilloonida dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in Ciidamadani ay wax badan ka tari doonaan burburinta godadka ay ku dhuumaaleysanayaan Horjoogeyaasha iyo Malleeshiyaadka Argagixisada, maadama la siiyey tababarro adag, waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Ciidamada Qaranka ee dagaalka kula jira Kooxaha Khawaarijta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Amniga, isaga oo ku dhiiri galiyay Ciidamada tababarka dhammeystay ka dhabaynta dhaartii ay mareen iyo go’aanka dhaxal galka ah ee ay qaateen ee difaaca dalkooda.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDaacish oo Xalay Hab yaab leh kusoo Weerartay Ciidamada Puntland(Sawiro)
Next articleHashim Dagane oo kenya gabdho soomaaliyeed kulaayay oo Xog Cusub kasoo korartay