Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo maanta ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.
Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 2 askari oo ka tirsanaa ciidanka NISA ayaa dagaalka lagu dilay, waxaana sidoo kale ay dhaawacyo soo gaareen askar kale oo ka tirsan laba ciidan.
Sidoo kale waxaa is rasaaseynta dhex martay labada dhinac ku dhaawacmay qof kale oo shacab ah oo marayay waddada, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Ma cadda illaa iyo hadda sababta dhalisay dagaalka labada dhinac, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan falkaasi.
Xaaladda ayaa haatan deggan, inkastoo dagaalkan uu saameyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka, dadka iyo goobaha ganacsiga ee ku yaalla halkaasI.
Si kastaba, muddooyinkii u dambeeyay ayaa shacabka ku dhaqan caasimada waxa ay ka nasateen xabadihii tirada badnaa, iyo dagaallada dhexmara ciidanka dhexdooda, taas oo ku timid kadib qorshe ay la timid dowladda dhexe oo ku aadan qaabeynta ciidanka amaanka.