Ciidamada Danab ee Puntland oo kasoo horjeeda dib u doorashada madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa caawa la wareegay koontaroolka koofureed ee magaalada Garowe laga soo galo.
Ciidamadaan oo ka soo horjeeda in magaalada Garowe lagu qabto caleemo saarka madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa caawa shaaciyey inay qabsadeen koontoolkii ugu muhiimsanaa ee laga soo gelayey magaalada.
Dhinaca kale dowlad goboleedka ilaa hadda kama aysan hadal talaabadan ay qaadeen ciidamadan gadoodsan ee Danab-ta ka howlgasha Puntland.
Xaaladda aagga koontrolkaasi uu ku yaalo ayaa caawa cabsi ah, waxaana laga baqayaa in Puntland ay adeegsato awood ciidan, si maamulka Controlka ay u soo ceshato.
Dhawaan waxaa lagu wadaa in magaaladaas lagu qabto caleemo saarka madaxweynaha Puntland oo 8-dii bishaan dib loo doortay, Deni ayaa tartankii doorashada uga adkaaday 10 musharax oo kale.
Musharaxiintii laga guuleystay qaar oo Xasan Shire Abgaal uu ku jiro ayaa muujiyey in aysan ku qanacsaneyn hanaankii loo maamulay doorashada, waxayna aaminsan yihiin in Saciid Deni uu siduu rabay u maamushay doorashada.