Wararka saaka Mudug24 ay ka heshay Magaalada Galkacyo ee Gobalka Mudug Ayaa sheegaya in Ciidamo Gadoodsan ay xalay la wareegeen Kantaroorka Konfur ee Galkacyo.
Ciidamadaan Ayaa la wareegay Xarumo Muhiim ah oo Duleedka Galkacyo ku yaala
Waxayna ka cabanaayeen Mushaar la”aan sida Xogta Mudug24 ay Heshay ay sheegayso.
Ciidamadaan Ayaa la tilmaamayaan in sababta ay u gadoodeen ay tahay Cabasho la xariirta Mushaar la”aan, waana Ciidamada Daraawiisha Galmudug.
Wararka qaar Ayaa sheegaya in Gadoodkaan ay sameeyeen Ciidamada Daraawiishta Galmudug uu salka ku haayo is casilaadii Wasiirkii Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi, Halka wararka Qaarna ay Tibaaxayaan in Ciidamada qaar ee Galmudug la siiyay lacagta Mushaarka Taasna ay sababtay Cabashada Ciidankaan.