Home Wararka Maanta Ciidamo cusub oo kamid noqonaya Kumaandooska Danab oo Tababar loo furay (Sawirro)

Ciidamo cusub oo kamid noqonaya Kumaandooska Danab oo Tababar loo furay (Sawirro)

0

Ciidamo cusub oo kamid noqonaya milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab ayaa tababar looga furay xerada ciidamada cirka ee Balli-doogle oo saldhig u ah Danab.

Tababarka waxaa siinaya ciidankan cusub ee kamid noqonaya kumaandooska Danab saraakiil iyo tababarayaal kasoo jeeda dalka Mareykanka , kuwaa oo gacanta ku haya ciidamada Danab.

Taliyaha guutada 16’aad ciidanka Kumandooska xoogga dalka Somaliyeed ee Danab Gaashanle Dhexe Axmed Cabdulaahi Nuur Beeryare ayaa tababarkan u furay ciidankan kamid noqonaya kumaandooska Danab.

Taliyaha ayaa ugu baaqay ciidankan cusub ee kamid noqonaya Danab in ay qaataan tababar wannaagsan una diyaar garoobaan in ay qeyb ka noqdaan howlgalada la doonayo in dalka looga saaro Al Shabaab.

Ad
Previous articleWasiirka Gaashaandhigga oo ku xigeenka ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo kulan La yeeshay(Sawiro)
Next articleWasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo Baaq Muhiiim ah u dirtay Ardaydii kasoo qaxday colaada Sudan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here