Ciidamo horleh oo loo diyaariyay la dagaallanka kooxda Al-Shabaab ayaa maanta lagu soo bandhigay deegaanka Xinlabi oo hoostaga gobolka Mudug, halkaas oo uu weli ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diiriye (Guureye) ayaa la wareegay ciidamadan, waxaana ku wareejiyay maamulka iyo shacabka Xinlabi.
Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa shaaca ka qaaday in diyaarinta ciidamadan ay kusoo aadeen xilli loo baahnaa, ayna ka qayn qaadan doonaan howlgallada xoreynta Mudug.
Deegaanada Galmudug ayaa waxaa haatan ka soconaya howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda, kuwa Galmudug iyo Macawiisleyda, kuwaas oo dhul ballaaran ka saaray xoogaga Al-Shabaab ee ku sugan gobollada dhexe ee dalka.