Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Ciidamada xooga Dalka oo Howlgal ku Dilay sarkaal Sare oo Al-Sabaab ah...

Ciidamada xooga Dalka oo Howlgal ku Dilay sarkaal Sare oo Al-Sabaab ah iyo Maleeshiiyaad kale.

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka ay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fuliyeen deegaanka Ceel-Cuni ee gobolkaaasi, kaas oo lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxdaasi.

Taliyaha Guutada 9-aad, qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Col. Cali Xabad oo la hadlay warbaahinta afaah faahin ka bixiyey howlgalladaasi, wuxuuna sheegay inay ku dileen illaa 11 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Xubnaha la dilay ayaa waxaa ku jira sarkaal sare oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Nuur Gacal oo magaciisa Afgarashada uu yahay (Sheekh Al-Sima), kaas oo Al-Shabaab u qaabilsanaa jabhada gobolada Baay iyo Bakool ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Col. Cali Xabad ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan labadaas gobol, si looga saaro Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobollada Baay iyo Bakool.

Ad