Saraakiil ka socota ciidamada badda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa Jimcihii billaabay sahminta saldhigyo ciidan oo laga sameynayo gudaha badda, gaar ahaan xeebaha gobollada waqooyi ee Somaliland, si Itoobiya looga difaaco badda Soomaaliya.
Saraakiisha sameyneysa sahanka waxay isugu jiraan Soomaali iyo Turki, waxayna wataan diyaarado militeri, waxaana lagu wadaa in sahankaan ay ku jirayaan maalmahaan, maadaama la dejinayo qorshihii ciidamada Turkigu ay ku soo degi lahaayeen badda Soomaaliya.
Toddobaadyada soo socda waxaa lagu wadaa in xeebaha Soomaaliya ay soo gaaraan maraakiib dagaal iyo ciidamo ka socda Turkiga, si loo guda-galo dhaqan gelinta heshiiskii difaaca ee Soomaaliya ay la saxiixatay Turkiga.
Qorshahani wax weyn ayuu uga dhigan yahay Soomaaliya, waxaa difaac adag heli doonta badda Soomaaliya, waxaana awood militeri lagu burinayaa heshiiskii Somaliland ay badda ku siisay Itoobiya.