Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo xalay howlgal ka sameeyay degmada Kaaraan ayaa gacanta ku soo dhigay rag arrin yaab leh sameeyay, si ay magaalada Muqdisho u soo geliyaan maan-dooriyaha Xashiiska.
War kasoo baxay taliska booliska ayaa waxaa lagu sheegay in eedeysanayaasha ay ku jiraan gacantooda, isla-markaana la horgeyn cadaaladda, si tallaabo looga qaado.
“Caawa oo Taariiqdu tahay 04/06/2023 abaaro 08:45 PM ayaa ciidanka boliiska saldhiga kaaraan iyo ciidanka polis milataariyo ay gacanta ku soo soodhigeen maandooriye xashiish ah iyo eedeysanayaashii waday waxaana la waafujin doonaa cadaalada” ayuu yiri talisku.
Yabooh oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalkan, wuxuuna sheegay in ragga lasoo qabtay ay keeneen naqshada cusub oo ay rabeen inay Xashiishka ku soo galiyaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
“Waxaan halkan u nimid howlgal lagu soo qabtay waxyaabaha maanka-dooriya, gaar ahaan Hashiis oo jawaano waa weyn ku jira oo naqshaddii magaalada lagu soo gelin jiray la beddalay,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir.