Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Alshabaabkii ugu Badnaa Oo lagu soo Bandhigay Baydhabo

Alshabaabkii ugu Badnaa Oo lagu soo Bandhigay Baydhabo

0

Ciidamada Nabad Sugidda ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baydhabo ku soo bandhigay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo isa soo dhiibay, sida ayu sheegtay hay’addu.

Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in ay isa soo dhiibeen illaan 10 xubnood, kuwaas oo lagu soo bandhigay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Raggan ayaa kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka jabhadaha weerarka geysta, sida ay shaaca ka qaaday hay’adda Nabad Sugidda ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in xubnahan ay kasoo howlgaleen gobolada Jubooyinka, Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose Shabeelada Dhexe ,Mudug iyo Hiiraan.

Qaar kamid ah raggan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay u adkeysan waayeen howlgallada haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya, kaas oo ay wadaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda.

Waxaa kale oo ay sheegeen inay uga soo baxeen Ururka Al-Shabaab dhibaato ay sheegeen inay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, waa sida ay hadalka u dhigeenee.

Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana weeraro iyo qaraxyo ay ka fulisaa deegaanada maamulkaasi,

Si kastaba, wejiga labaad ee gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa haatan ku wajahay Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, si looga horreeyo dagaalyahanada kooxdaasi.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey taliye ku-xigeenkii militariga Somaliland oo isku dhiibay ciidamada SSC
Next articleCiidamada Sugaaya Amniga Muqdisho oo Gacanta Kusoo Dhigay Rag arrin yaab leh sameeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here