Home Wararka Maanta Ciidamada NISA oo Dhaqan layaab leh Xalay ku Kacay Dad Badana Xabsiga...

Ciidamada NISA oo Dhaqan layaab leh Xalay ku Kacay Dad Badana Xabsiga Dhigay

0

Ciidamada Nabad-Sugidda Qaranka ee NISA ayaa xalay xiray oo albaabada isugu dhuftay xarumihii baal-bayeeriyaasha ama Timaha lagu jari jiray ee ku yaalay qeybo ka mid ah degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Ciidamo ka tirsan NISA oo wata gaadiidka dagaalka ayaa xabsiga u taxaabay dhammaan timajarayaashii ay ugu tageen goobahooda shaqada. Howlgalkaas waxa uu ka dhacay laga soo billaabo isgoyska Sanca ilaa Xaliimo Hiite ee degmada Kaaraan.

Qaar ka mid ah dadka ay arrintan samaaysay ayaa Warbaahinta u sheegay in aysan jirin sharraxaad ay ciidamadu ka siiyeen tallaabadan, isla markaana aysan garaneyn sababta loo xiray timajarayaashii ka shaqeynayey degmada Kaaraan.

Xogo ay Warbaahintu heshay ayaa sheegaya in lagu haysto qaabka ay tinta u jaraan, booliska Soomaaliya ayaa dhowaan sheegay inay dhalinyarada ka mamnuuci doonaan in si xun ay tinta u jartaan, balse askarta ayaaba u xiirta habka la dhaliilayo.

Ad
Previous articleQabuuraha Iskool Buluusiya oo ay ka bilaabatay in dadku ay la baxaaan eheladooda ku aasan
Next articleGanacsatada Soomaalida ee Islii oo ka walaacsan hadalkaan oo uu sheegay madaxweynaha Kenya